Taiwaan ayaa sheegtay inay xaqiijin doonto nabada iyo xasiloonida gobolka sidoo kalena ay la shaqayn doonto dalalka kale ee ay dhanka dimuqraadiyada isku fikirka yihiin sida ay madaxweyne Tsai Ing-wen maanta u sheegtay madaxda sare ee dalalka Faransiiska iyo Australia kadib xiisad xooggan oo soo kala dhex gashay Shiinaha iyoTaiwan.
Taiwan ayaa waxaa safar ku tagay xubno ka tirsan aqalka sare ee Faransiiska iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Australia Tony Abbott.
Socdaalka mas’uuliyiintan ayaa ku soo beegmaysa dhowr cisho kadib markii Shiinuhu diyaarado dagaal geeyay aagga difaaca cirka Taiwan talaabadaas oo ay walaac ka muujiyeen xukuumada Washington iyo xulufadeeda.
Waxay sheegtay Taiwan maadaama ay habka dimuqraadiga ah ku dhisan yihiin inay taageero ka raadinayaan dalalka kale ee dimuqraadiga ah gaar ahaan maraykanka iyo xulufadiisa xili ay dhanka kale sii kordhayaan cadaadiska milatari iyo siyaasadeed ee kaga imaanaya dhanka Shiinaha oo ku andacoonaya inay Taiwan ka mid tahay dhulkiisa.
Iyadoo ka hadlaysa xarunta madaxtooyada ayay hoggaamiyaha Taiwan Senetarada Faransiika iyo wasiirkii hore ee difaaca dalkaasi Alain Richard uga mahadcelisay walaaca Faransiisku ka qabo xaaladda kacsan ee Taiwan iyo taageerada ka qaybgalka caalamiga ah.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Australia ayaa dhankiisa sheegay inuu Taiwan u jooga si uu gacan uga gaysto soo afjaridda go’doominta caalamiga isagoo amaanay maamulka dimuqraadiga ah ee Taiwan ka dhisan.
Dowladda Taiwan ayaa canbaaraysay talaabooyinka shiinaha ee ka dhanka ah waxayna sheegtay inay difaaci doonto xurriyadda iyo dimuqraadiyada Jasiiradaasi ayana dadka Taiwan oo kali ah go’aan ka gaari karaan mustaqbalkooda.