Taita Taveta: Nin faraxumeeyay gabadh 15 sano jir ah oo la xiray 20 sano

0
216

Maxkamad ku taalla magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta ayaa xukun xabsi oo 20 sano ah ku ridday Bryson Mwanyange Mwangala.
Tani ayaa timid ka dib markii ninkan oo 32 sano jir ah lagu helay dembi ah inuu faraxumeeyay gabadh da’deeda ay tahay 15 sano.
Waxaa uu faraxumeyntan gaystay 6-dii bishii Labaad ee sanadkan xilli uu ku sugnaa tuulada Lokichogio ee Maungu.
Waxaa ku marqaati kacay ilaa 5 qof.
Garsoore sare Mildred Obura ayaa sheegtay in saraakiisha dacwad oogidda ay soo bandhigeen caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah eedeysanaha.