Tababarayaasha militari ee Ruushka oo gaaray Niger

0
178

Waxaa dalka Niger gaaray tababarayaal militari oo ka soo jeeda wadanka Ruushka.
Waxaa sidoo kale halkaasi la geeyay hannaanka difaaca hawada sare iyo agab kale.
Warbaahinta maxalliga ee Ruushka ayaa ku warramaysa in tani ay sii xoojinaysa iskaashiga dhanka gaashaandhigga ee Niger iyo xukuumadda Moscow.
Bishii Koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay dowladda uu militariga maamulo ee Niger ay oggolaatay in ay iskaashi militari la yeelato Ruushka.
Tani ayaa timid ka dib markii wadankaasi laga eryay ciidamadii Faransiiska ee Niger ka caawinayay la dagaallanka kooxaha fallaagada ah ee hubeysan.