Taangiyada dagaalka ee Israa’iil oo la geeyay Khan Younis

0
317

Waxaa lagu soo warramaya in taangiyada dagaalka ee militariga Israa’iil la geeyay bartamaha magaalada Khan Younis.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xalay duqeyn aan kala joogsi lahayn iyo isku dhacyo laga soo tabiyay agagaarka Qaza.
Militariga Israa’iil ayaa dhanka kale sheegay inuu hal cishe gudaheeda Qaza ka sameeyay 250 oo bartilmaameedsi ah.
Ugu yaraan 16,248 Falastiiniyiin ah ayaa duqeymaha Israa’iil ay ka wado Qaza lagu dilay tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan.