Taangiyada dagaalka ee Israa’iil oo galay Jabalia

0
349

Taangiyada dagaalka ee ciidamada militariga Israa’iil ayaa gudaha u galay xerada qaxootiga ee Jabalia .
Tani ayaa qayb ka ah duullaan cusub oo laga fulinaya Waqooyiga Qaza.
Waxay arrintan ku soo aadaysa ka dib markii ay Israa’iil xeradaasi ka gaysatay duqeyn lagu dilay sidoo kalena lagu dhaawacay dhowr Falastiiniyiin ah.
Duullaanka cusub ee Waqooyiga Qaza ayaa ku soo aadaya bilooyin ka dib markii ay Israa’iil sheegtay in xubnaha ururka Xamaas ee aaggaasi la cirib tiray.