Kooxda Taalibaan ayaa beenisay arrin ay sheegtay dowladda Iiraan oo ahayd in hoggaamiyaasha kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS loo diray wadanka Afghanistan.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Taalibaan, Cabdul Qahar Balkhi ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in Iiraan haddii ay hayso xog sirdoon oo tani ku aaddan laga doonaya inay la wadaagto laamaha ammaanka ee Afghanistan si ay u qaadaan tallaabada habboon.
Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay horay ula dagaallameen sidoo kalena aynan hadda soo dhaweynayn ISIS.
Balkhi ayaa dhanka kale maamullada Iiraan ku boorriyay inay arrimaha dhaqaalaha , siyaasadda iyo bulshada ka qaataan go’aammo adag.
Waxaa uu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Taalibaan intaasi ku daray in aynan marnaba cidna ka oggolaan doonin inay khalkhal geliso amniga dalka Afghanistan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ,Hossein Amirabdollahian uu wareysi ku sheegay arrinta ay hadda Taalibaan gaashaanka u daruurtay.
Waxaa uu xilligaasi xusay in hoggaamiyaasha ISIS ee Ciraaq , Syria iyo Libya bilooyinkii ugu dambeeyay loo dirayay Afghanistan taasoo sida uu hadalka u dhigay ka mid ah caqabadaha haysta maamulka Taalibaan.