Ganacsiga magaalada uu ka soo jeedo Raila Odinga ee Bondo ee ismaamulka Siaya, ayaa hakad ku yimid maanta iyadoo boqollaal qof oo shacab ah ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan weerarrada afka ee joogtada ah ee guddoomiye James Orengo uu ku hayo xiriirka wada shaqayneed ee u dhexeeya Odinga iyo madaxweyne William Ruto.
Dadka deegaanka ayaa ka dalbaday barasaabka in uu isbeddel siyaasadeed sameeyo oo uu raalli gelin ka siiyo xisbiga ODM hadallada uu dhawaan jeediyay.
Waxaa ay xuseen in ay khalad ahayd in Guddoomiyaha uu dhaliilo wada shaqaynta Raila Odinga iyo William Ruto iyaga oo ku adkaystay in ay xushmad darro ku tahay xisbiga.
Dadka deegaanka oo hadalkooda sii wato ayaa Orengo ugu baaqay hadii uu ka soo bixi waayo shuruudahan inuu iscasilo oo uu u baneeyo xafiiska hoggaamiyaha kale oo ay soo doorani doonaan.
Bannaanbaxayaasha ayaa dalabkooda ku dalbanayay in xisbiga ODM uu tallaabo anshax marin ah ka qaado barasaabka dowlad deegaanka Siaya oo si cad ugu muuqda mid ka soo horjeeda mowqifka xisbiga.