Taageerayaasha Bolsonaro oo baaq u diray ciidamada qalabka sida

0
263

Taageerayaasha madaxweynaha dalka Braziil Jair Bolsonaro ayaa ciidamada qalabka sida ee wadankaasi ugu baaqay inay xaaladda siyaasadeed soo farageliyaan.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga doorashooyinka ee Braziil uu Axaddii shaaciyay in Luiz Inacio uu helay aqlabiyadda codadka laga dhiibtay doorashada dhacday oo ah boqolkiiba 51.
Jair Bolsonaro ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah u qiran in loolanka loogaga adkaaday.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la qorsheynaya in Lula uu talada Braziil si rasmi ah ula wareego laga billaabo 1-da bisha Jannaayo ee sanadka soo socdo.