Syria oo ay ka dhacayso doorasho madaxtinimo

0
363

Shacabka dalka Syria ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay uga qayb galaan doorashada madaxtinimo.
Codeynta ayaa la filayaa inuu ku soo baxo madaxweyne Bashar Al-Assad oo doonaya in markii afaraad uu wadankaasi hoggaamiyo.
Doorashadan ayaa ah midii labaad ee Syria ka dhacaysa tan iyo markii uu billowday dagaalka jiray tobankii sano ee ugu dambeeyay oo ay ku dhinteen in ka badan 388,000 qof halka kala bar tirada dadweynaha dalkaasi ay guriyahooda ka barakaceen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in saddex meelood labo meel deegaanada Syria lagu faafiyay qoraalo lagu taageeraya Bashar Al-Assad.
Shacabka ayaa codkooda ka dhiibanaya in ka badan 12,000 oo ah goobaha codbixinta.
Doorashada oo billaabatay 7-dii aroornimo ee saacadda dalkaasi ayaa socon doonto ilaa 7-da fiidnimo waxaana la filayaa in natiijada lagu dhawaaqo Jimcada.