Syria oo 15 maalmood ku dartay heshiiska xabad joojinta ay la gashay kooxda SDF

0
383

Heshiiska joojinta dagaalka ee u dhexeysa ciidanka Syria iyo xoogagga Kurdish-ga hoggaamiya ee SDF ayaa lagu kordhiyay 15 maalmood, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, saacado ka dib markii heshiiskii afarta maalmood ahaa uu dhacay.
Wasaaradda Gaashaandhigga Syria ayaa sheegtay in kordhinta, oo bilaabatay 11 pm fiidnimo ee waqtiga maxalliga ah ay taageereyso howlgallo Mareykanka uu ku wareejinayo maxaabiista ISIS ee xabsiyada horey u maamuli jiray SDF.
SDF ayaa xaqiijisay kordhinta, iyaga oo bayaan ku sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysanayo dhimista xiisadda, ilaalinta shacabka rayidka ah, iyo abuurista xaalado loo baahan yahay oo xasillooni lagu gaari karo.