Waxaa magaalada Ramallah ee dalka Falastiin aas qaran loogu sameynaya Shireen Abu Caqleh oo ka tirsanayd warbaahinta Aljazeera oo ay shalay magaalada Jenin ee daanta galbeed ku toogteen ciidamada Israa’iil.
Meydkeeda ayaa saaka laga soo qaaday isbitaalka Istishari Hospital waxaana la geeyay barxadda madaxtooyada ee maamulka Falastiin ee (PA) halkaasi oo uu madaxweyne Maxamuud Cabbaas ku guddoomay.
Hadal kooban oo uu madaxweynaha jeediyay ayuu ku sheegay in Israa’iil ay si buuxda u qaadanaysa mas’uuliyadda dilka Shireen oo siyaabo kala duwan loo cambaareeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka soo horjeedaan in Israa’iil ay qayb ka noqoto baaritaanka lagu sameynaya qaabkii loo dilay suxufiyadda.
Madaxweyne Cabbaas ayaa intaasi ku daray in dowladda Falastiin ay caddaalad u raadsan doonto maxkamadda caalamiga ee ICC.