Waxaa saaka inta badan xiran suuqyada ku yaalla caasimadda dalka ee Nairobi iyadoo mucaaradka ay maanta doonayaan inay dhigaan dibadbaxyadii ay qorsheeyeen.
Sidoo kale waxaa gebi ahaanba xiran dukaamada ku yaalla xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji.
Waxaa deggan xaaladda xaafadda Kibra oo ahayd halka ay ka soo billowdaan awoodda dibadbaxyada mucaaradka.
Xaafadaha kala duwan ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ku sugan ciidamada ka hortagga rabshadaha kuwaas oo roondo saameynaya.
Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa Kenyaanka ugu baaqay inay maanta soo baxaan oo ayna muujiyaan cabashadooda.
Dhankooda dowladda ayaa digniin u dirty cid walba oo sameysa isku soo bax sharci darro ah.
Home Wararka Kenya Suuqyada Nairobi oo intooda badan xiran xilli mucaaradka ay qorsheynayaan in maanta...