Suudaan oo Cumar Al-Bashir u dhiibaysa maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ICC

0
707

Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumar Xassan Al- Bashir ayaa loo dhiibaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ICC.
Wasiirka arrimaha dibadda Mariam al-Mahdi ayaa arrintani shaaca ka qaaday.
Cumar Al-Bashiir oo loo haysto dambiyo dagaal oo uu ka geestay gobolka Darfur ayaa waxaa sido kale wehiliya dhawr sarkaal.
Go’aankan ayaa la sheegay inay gaareen golaha wasiiradda ee dalka Suudaan.
Bashiir ayaa xukumayay wadankasi muddo 30 sannadood ah waxaana lagu eedeeyay inuu xasuuq iyo dambiyo dagaal ka geestay gobolka Darfur ee ka tirsan Suudaan.
Madaxweynahan hore ee 77 sanno jirka ah ayaa waxay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada doondoonaysay tan iyo 2009-kii, xiligaas oo ay soo saartay amar lagu soo xirayo.