SUPKEM oo doonaysa in la qeexo falal dambiyeedyada diimeed

0
228

Golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inaynan faragelin hay’adaha diimeed.
Waxaa arrinkan ka hadlay guddoomiyaha SUPKEM, Xasan Ole Naado oo hor tagay guddiga uu aqalka sare u saaray baaritaannada dhimashooyinka laga soo tabiyay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Guddoomiyaha ayaa ku taliyay in loo baahan yahay in la cadeeyo falal dambiyeedyada diimeed si cidii lagu helo tallaabo sharciyeed looga qaado.
SUPKEM ayaa sidoo kale ku talisay in dallad kasta oo diimeed ay lahaato koox dabagal ku sameynaysa howlaheeda oo dowladda kala shaqeynaysa in la ogaado casharrada xagjireynta ku saleysan.
Hasa ahaate Xasan Ole Naado ayaa dowladda ku eedeyay takoor ka dhan ah muslimiinta.
Waxaa uu sheegay in haddii dhibaatada laga soo tabiyay Shakahola lala xiriirin lahaa qof muslim ah in saraakiisha amniga ay qaab kale ula dhaqmi lahaayeen.
Tani ayuu ku sheegay sababta keentay in saraakiisha ammaanka ay muddo dheer ku qaadatay inay ka war helaan Paul Mackenzie iyo waxyaabaha halista ah ee uu ku eedeysan yahay inuu faafiyay.
SUPKEM oo ku baaqday xurriyad diimeed ayaa dhanka kale soo jeedisay in la soo saaro nidaamyo tani lagu fududeynaya.
Guddiga aqalka sare ee arrimahan baaritaannada ku haya ayaa waxaa guddoominaya senatarka ismaamulka Tana River, Danson Mungatana .