DHAGEYSO:SUPKEM oo difaacday wasiirka gaashaandhigga ee dalka

0
373

Golaha sare ee muslimiinta dalka ee (SUPKEM) ayaa difaacay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Kenya Aadan Barre Ducaale ka dib markii hadal uu dhawaan jeediyay laga falceliyay.
Ducaale ayaa sheegay in maamulayaasha xarumaha dadweynaha iyo goobaha fagaaraha ah ay qasab ku tahay inay gabdhaha u oggolaadaan xirashada xijaabka.
SUPKEM ayaa mid ka mid ah wariyaasha dalka ku eedeysay inuu si kale u dhigay hadalka wasiirka.
Guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM Xasan Ole Naado ayaa cadeeyay in wasiirka uu keliya ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda dastuurka ee gabdhaha muslimaadka ah ay u leeyihiin xirashada xijaabka sidaas awgeedna uunan cid gaar ah u gefin.
Wasiirka oo shalay ka hadlayay munaasabad lagu daahfurayay tartan quraan ayaa carrabka ku adkeeyay in haweenka iyo gabdhaha muslimiinta ay qasab ku tahay inay qaataan xijaabka isagana ay mas’uuliyad ka saaran tahay inuu arrintan baraarujiyo.
Isagoo tani adkeynaya ayuu sidatan yiri.