SRC oo ka hadashay qorsho lagu dhimaya mushaaraadka shaqaalaha dowladda

0
193

Guddoomiyaha guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC , Lyn Mengich ayaa ka hadashay qorsho lagu dhimaya mushaaraadka la siiyo shaqaalaha dowladda.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ka badan boqolkiiba 40 ee miisaaniyadda dowladda ay ku baxdo mushaaraad.
Tani ayay ku tilmaantay culeys dhaqaale oo ay qasab tahay in xal loo helo.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qorshuhu uu yahay in qarashaadka dowladda uga baxo arrimaha mushaaraadka uunan ka badan boqolkiiba 35 ee miisaaniyadda guud.
Arrintan ayay ka sheegtay shir looga hadlayay arrimaha mushaarka oo ay daneeyayaal kala duwan ka qayb galeen.