SRC oo ka hadashay guriyo loo dhisaya madaxda ismaamullada

0
344

Guddoomiyaha guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee (SRC) ,Lyn Mengich ayaa baaq u dirtay dowlad deegaannada.
Waxay sheegtay inay qasab tahay in ugu dambeyn 30-ka bisha Lixaad ee sanadka soo socdo guriyo rasmi ah loo dhiso barasaabyada ismaamullada, ku xigeenadooda iyo guddoomiyaasha golaha hoose ee dowlad deegaannada.
Mengich ayaa caddeysay in haddii tani aan la sameyn, dowlad deegaannada ay khatar ugu jiraan dacwado maxkamadeed.
Waxay hoosta ka xarriiqday in marka muddadan la dhaafo , madaxda ay guriyaha ku dhisan doonaan lacagahooda.
Guddoomiyaha guddiga SRC ayaa ku celcelisay in dowladda aynan marnaba kordhin doonin muddada kama dambeyska ah ee howshan loogu tala galay.
Bishii Shanaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii xoghayeyaasha ismaamullada iyo karraaniyaasha baarlamaannada hoose ee ismaamullada lagu wargeliyay inay mashruucan fuliyaan.
Ilaa iyo hadda waxaa guriyaha rasmiga ee madaxda ismaamullada laga hirgeliyay Homa Bay, Kilifi iyo Kajiado iyadoo SRC ay wacad ku martay in la iskula xisaabtami doono miisaaniyaddii loo qoondeeyay barnaamijkan.