Waxaa dalka Spain lagu xiray nin ay da’diisu tahay 50 sano jir.
Ninkan oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Lithuania ee qaaradda Yurub ayaa ku eedeysan inuu cunto ka cunay 20 maqaaxiyo ah isagoo sheegaya been ah inuu wadnaha ka xanuunsan yahay.
Dembiyadan ayuu galay muddo sanad gudihiisa ah wuxuuna uga gol-lahaa in aan laga qaadin qarashaadka cuntada.
Wargeyska ka soo baxo Spain ee ‘El Pais’ ayaa magaca ninkan ku soo koobay Aidas J wuxuuna si gaar ah u bartilmaameedsan jiray maqaayadaha magaalada Alicante ee dalkaasi.
Ninkan ayaa hadda lagu xukumay xabsi 42 cishe ah ka dib markii uu diiday inuu bixiyo labo ganaax oo la saaray oo la xiriiray khiyaanadii uu sameeyay.
Hasa ahaate milkiilayaasha maqaayadaha ayaa doonaya in muddo badan la xiro.