Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga mid noqoneysa xubinnimada Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC

0
246

Soomaaliya ayaa maanta la filaya inay ugu dambayn si rasmi ah ugu biirto Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC), ka dib markii ay soo gaartay bar dhammaadkii ugu dambeeyay ee ku biirista ururkan.
Waxaa Soomaaliya ku biiraysa dalalka Kenya, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC, Rwanda, Suudaanta Koonfureed, Uganda iyo Tanzania, kuwaas oo ka mid ah xubnaha ururkan.
Tallaabadan ayaa daba socotaa go’aan Jimcihii la soo dhaafay ka soo baxay shir aan caadi ahayn oo ahaa midkii 23-aad oo ay yeesheen madaxda EAC.
Ku biirista Soomaaliya ee jaaliyadda Bariga Afrika, waa mid ku yimid wada xaajood sida lagu tilmaamay shir madaxeedka 22-aad ee aan caadiga ahayn.
Tallaabadan ayaa sare u qaadi doonta isku xirka, kor u qaadista ganacsiga iyo dardargelinta qorshaha isbeddelka Soomaaliya.