Guddiga fulinta ee hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixiyay kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo Soomaaliya la siin doono taasoo gaaraysa $0.97 milyan oo dollar Mareykanka ah.
Kaalmadaan ayaana qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka saboolka ah ee qaamaysan oo Soomaaliya ay Kamid tahay.
Kaalmadan dhaqaale ayaa loo adeegsan doonaa sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta oo u dhexeeyay Hay’da Lacagta aduunka IMF, Bankiga Adduunka iyo dowlada Soomaaliya.
25-kii Bishaan Maarso 2021 ilaa 24 Maarso 2022 ayaa kaalmadaan dhaqaale socon doontaa muddadaas ayaana Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta sida ay sheegtay Hay’ada Lacagta aduunka.
Hal Sano ayaa laga joogaa markii si daan oo kale Guddiga fulinta Hay’ada Lacagta aduunku ay sheegeen in Soomaaliya gaartay barta go’aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta, waqtigaas oo Soomaaliya la siiyay inay muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud ahaan geedi socodka deyn cafinta oo muddo soo socday.