Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku ridday Dayib Macalim Maxamad Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim oo labada ay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.
Dayib ayaa ku Eedeysan Sameynta Qaraxyada halka Xaliimo ay ahayd soo dhawaynta Xubnaha ka tirsan Daacish iyo Kaydinta Hubka ay dhibta ku gaysanayaan, waxaana Eedeysanayaasha la xiray Bishii Saddexaad ee Sanadkan.
Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa sheegay in 5-tii Bishii Shanaad ee May lagu xiray xabsiga dhexe Garsuga ahaan, isla xilligaas Garsoorka ayaa ka dalbaday Xeer Ilaalinta in ay la Yimaadaan Caddeymo dhamaystiran oo lagu Maxkamadayn karo Dayib Macalim Maxamad Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer ka dib Maxkamadda Ciidamada Waydiistay in la maxkamadeeyo billowgii bishan, isla xilligaas ayay Maxkamadda aqbashay dhageysiga Dacwadda laba Eedeysane.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor caddeeyay labada Eedeysane in ay is qabeen laakiin ay isku Guursadeen Magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxa ay Maxkamadda ka hor sheegeen Eedeysanayaasha in Sarkaalkii xukumayay uu isku doonay, Sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.
Qareennada Eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto, loona fiiriyo Qodobbada Dambiga Fududeeyo, maadaama Eedeysanayaasha lala soo qabtay agabkii Qaraxyada ay u isticmaalayeen iyo Qarax diyaarsan.
Dhowr Fadhi ka dib Maanta ayay Maxkamadda kuwada xukuntay min 15-sano, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamad Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.