Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa wada hadal mira dhal ah lagu Sheeegay wuxuu aladda Fogaan aragga ee (Zoom-ka) kula yeeshay Ergada Qiimeynta Hawlgalka Qaramada Midoobay ee loo yaqaano ‘Rule of Law Sector in Somalia’
Wasiir Xasan ayaa carabka ku adkeeyay intii uu kulanka socday ahmiyadda iyo mudnaanta ay leedahay hirgalinta qorshahaan STP, iyadoo si wanaagsan loola jaan qaadayo dhamaan Wasaaraddaha ay khuseyso, isla markaana u baahan dhisidda awoodda hay’adaha Amniga.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in waxyaabaha ku saabsan arrimaha ammaanka dalka Soomaaliya ay muhiim iyo lagama Maarmaan tahay tahay in Soomaaliya wax laga weydiiyo maadaama ay shaqeynayaan hay’addaha Ammaanka ee dalka.
Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay war bixin lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay inay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda dalka Soomaaliya.