Soomaaliland oo maxkamadaynaysa in ka badan 50 dhallinyaro ah iyo sababta

0
453

Wararka ka imaanaya Deegaanada Soomaaliland ayaa waxay Sheegayaan in Ciidamada Booliska Somaliland ay 24-kii saac ee la soo dhaafay degaannadooda ku xireen in ka badan 50 Dhalinyaro ah, oo la soo baxay Calanka Soomaaliya, iyagoo xusayay 26-ka June oo ku beegan markii gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay xurnimada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska.
Dhalinyarada la xir xiray oo badankood ku sugan Magaalada burco iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Togdheer ayaala sheegay inay ku labisnayeen calanka Buluuga ah ee Soomaaliya halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaalada.
War kasoo baxay Booliska Soomaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyarada ay xireen la hor gayn doono maxkamada iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkooda.
Sidoo kale Booliska Somaliland ayaa sheegay in laamahaha amniga ay ka war heleen in dhalinyaradaan ay hagayeen dad dano gaar ah leh , isla markaana ay ku raad joogaan lana soo qaban doono dadkaasi sida ay hadalkooda ku sheegeen.
Somaliland ayaa degaannada ay maamusho waxaa dhowr jeer lagu xir xiray dad ku labisnaa dhar ka sameeysan Calanka Soomaaliya iyo fanaaniin yimid Magaalada Muqdisho Maadaama aysan Soomaaliland ogolayn Calanka Soomaaliya in si caadi ah deegaanadeeda loogu soo bandhigo.