Soo saaridda baasaboorka dalka oo la dardargelinaya

0
278

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa sheegtay in ay dardargelinaysa soo saaridda baasaboorka wadanka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in la daabacay dhammaan 724,000 baasaboorro ah oo horay loo codsaday.
684,500 oo ka mid ah baasaboorradan ayay la wareegeen dadkii codsaday.
Waxaa uu qorshuhu yahay in marka la gaaro 1-da bisha 11-aad ee sanadkan , muddada uu qofka sugaya baasaboorka ay noqoto 3 cishe.
Dhanka kale, waxaan weli la qaadan 39,500 oo ah baasaboorro diyaar ah iyadoo lagu howlan yahay in ka hor 18-ka bishan la geeyo goobihii ay dadweynaha ka soo gudbiyeen codsiyadooda.
Howshan ayaa hadda ka socoto Nairobi, Mombasa, Kisumu, Eldoret, Embu, Nakuru, Kisii iyo Kericho.