Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood

0
414

Milateriga jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku goodiyay in uu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay eegobolka Sool, islamarkaana uu dhaafi doono Laascaanood.
Taliyaha ciidamada Milateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, oo warbaahinta xukuumadda la hadlay, ayaa sheegay in ciidankiisu uu wali awood badan yahay, islamarkaana uu soo ceshan doono dhulkii uu ku lumiyay dagaalkii Laascaanood.
“Dadwaynaha reer Somaliland waxaan u sheegaya in aanu si dhakhso ah xadka u gaareyno wakhtigeeda, ciidanku waa kii naftooda waxay u hurayaan dalka, awoodoodii iyo xoogoodiina way leeyihiin” ayuu yiri Taliye Taani.
Milateriga Somaliland ayaa lumiyay gacan ku haynta badi gobolka Sool iyo magaalo madaxda Laascaanood, ka dib dagaal billo socday oo ay dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo si beelaysan uga yumid Puntland ay kaga soo horjeedeen Somaliland, iyado ugu dambayn 25-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore la jabiyay ciidamada Somaliland.
Somaliland ayaa aamisan in gobolka Sool uu ka mid yahay dhulkeeda, iyada oo ciidamo fara badan tababartay kadib jabkii ciidankeeda, halka ay dadka deegaanka dhisteen maamul ka madaxbannaan Somaliland oo la magac baxay SSC Khaatumo, kaasi ay dowladda Soomaaliya u aqoonsatay maamul ku meel gaar ah.
Maamulka SSC Khaatumo ayaa doonaya in uu xukunkiisa ku ballaariyo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, sidaana uu xubin buuxda kaga noqdo Dowladda Federaalka Soomaaliya.