Wasiirka Arrimaha Dibadda ee jamhuuriyadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay dacwadda madaxbannaanida u gudbineyso maxkamadaha caalamka.
Waxaa uu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ka dacwaynayaan, maxkamadaha waawayn ee caalamka, “Somaliland waxay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday, waxaynu u baahanahay in aynu dowladda Soomaaliya gayno maxkamada kasta oo aduun ka ah”.
Wasiirka ayaa xusay in maxkamadaha Afrika, ICJ iyo Carabta ay gaynayaan doodda Somaliland, si ay uga garnaqaan dacwaddan oo uu sheegay in ay tahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba adag.
Xukuumadda Somaliland ayaa sidookale horay u sheegtay in ay doodda qadiyadda madaxbannaanida Somaliland u gudbinayso baarlamaannada dowladaha caalamka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bishii hore ee sanadkan iskugu yeedhay wakiillada Somaliland ee dibadda, iyadoo sheegtay in dib loo qaabaynayo ololaha ictiraaf raadinta.
Wasiirka ayaa ka hadlayay manaasabad casho ah oo wafdiga Somaliland la yeesheen qurba joogta reer Somaliland ee ku dhaqan cariga dalka Mareykanka.




