Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in dhawaan heshiis rasmi ah loo beddeli doono isfahamkii ay Itoobiya la gashay islamarkaana loo xilsaaray guddi aqoonyahano ah oo dhameystirkiisa ka shaqaynaysa.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee maamulka Somaliland Cali Maxamad Xasan ‘Cali Mareexaan’ oo laanta afka soomaaliga ee BBC-da la hadlay ayaa sheegay in heshiiskani uu wax ka tarayo xoojinta xiriirka iskaashi ee Somaliland iyo Itoobiya.
“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xiriir oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arrintaas” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan.
Wasiirka ayaa beeniyey in saraakiil sar sare oo Itoobiyan ah ay ku sugan yihiin Somaliland sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Hasa ahaate waxaa uu xusay inay jiraan saraakiil sare oo Somaliland oo ku sugan Addisa Ababa, oo uu ku jiro wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Ciise Kayd Maxamuud.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan magacaabay guddi aqoonyahano, sharci yaqaano iyo diblumaasiyiin iskugu jira oo uu hoggaaminayo Amb. Baashe Cawil, kuwaasi oo ka shaqeyn doono dhameystirka heshiiska.
Wasiirka Cali Mareexaan ayaa sheegay in heshiiska loo dhameystiri doono sida ugu dhakhsaha badan kadibna la horgayn doono golayaasha sharci dejinta.
Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskani uu sababi dooni in Itoobiya ay u aqoonsato dal madaxbannaan, halka dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay madaxbannaanideedii oo lagu soo xadgudbay.
Home Wararka Soomaaliya Somaliland oo ka hadashay wakhtiga la hirgelinayo heshiiskii ay Itoobiya la gashay...