War qoraal oo ay wasaraadda arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland ku daabcday boggeeda Facebook-ga ayaa lagu sheegay in saaka waaberigii ciidamo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Somaliland lahaayeen iyo goobo ay dagnaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay iska caabin sameeyeen, balse laguma sheegin khasaaraha ciidamada Somaliland ka soo gaaray iska hor imaadka.
“Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa ah kuwii ay horay uga digtay xukuumaddu, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah” ayaa lagu yiri warkan.
Dhanka kale odayaasha dhaqanka ee magaalada Laascaanood iyo ciidamada deegaanka ayaa wali ka hadlin dagaalkan.