Xukuumadda Somaliland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay 5 nin oo horay loogu helay in ay gaysteen dilal.
Dilkan oo saaka subixii hore la fuliyay ayaa ka dhacay deegaanka Madheera oo caan ku ah qisaasta islamarkaana ay xukuumaddu u adeegsato inay ku fuliso qisaasta dadka lagu helo falalka dilalka ah.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu dhawaan saxiixay in la fuliyo qisaasta dadka saaka dilka lagu fuliyay, oo aan magacyadooda iyo noocyada dilalka ay galeen aanan wali xukuumadu baahin.
Xukuumadda Somaliland ayaa inta badan si hoose u fulisa dilalka qisaasta ah, iyada oo beesha caalamka ay isla marka ay dhacaanba ka qayliso, iyadoo cambaarayso qaabka dilalkaasi loo fuliyo.
Wali Somaliland kama hadal dilalka saaka la fuliyay, islamarkaana aan laga helin xog badan.