Somaliland iyo Mareykanka oo la filayo in ay yeeshaan heshiis difaac

0
291

Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay xeerka difaaca qaranka Mareykanka, oo Golaha Wakiillada Mareykanku wax ka beddel ku sameeyeen si loo waafajiyo xiriir difaac oo dhexmara Somaliland iyo Mareykanka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in ay Somaliland u sacabtumayso wax ka beddelka xeerkan oo goluhu ansixiyeen Khamiistii shalay.
“Jamhuuriyada Somaliland waxay u sacabtumaysa meel-marinta Golaha Wakiillada Mareykanka ku sameeyeen xeerka oggolaanaya in wasaaradda arrimaha dibadda ay sameyso cilmi baaris iyo ka warbixin xiriir ammaan oo ay yeeshaan Mareykanka iyo Somaliland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Xeerkan ayaa sahlaya in Mareykanka iyo Somaliland ay ka wada shaqeeyaan in Mareykanka iyo xulufadiisu ay helaan albaab ay ka galaan Geeska Afrika, si looga hor taggo joogitaanka Iiraan ee gacanka Cadan, saameynta Shiinaha ee sii kordhaysa, la dagaalanka argagixisada, tahriibinta dadka, xayawaanka iyo hubka, waxaana la horumarin doonaa ganacsiga.
Wakiilka Somaliland ee Mareykanka Bashiir Good, ayaa ayaa isna soo dhaweeyay ansixinta xeerkan, isaga oo golayaasha sharci dajinta Mareykanka ku boorriyay in ay gacan ka gaystaan dhaqan galintiisa.
“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa aqalka wakiillada iyo odayaashaba in ay dhamaystiraan hirgelinta tallaabooyinkan wax dhisaya, sidoo kalena ay wasaaradaha arrimaha dibadda iyo difaaca kala shaqeeyaan, cilmi baaris wakhti ku qabsoonta oo horseeda horumarinta danaha la wadaago ee labadeena dimuquraadiyadood” ayuu yiri Good.
Somaliland iyo Mareykanka ayaa la filayaa in ay dhawaan yeeshaan xiriir ammaan, ka dib booqashadii madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay Washington bishii Saddexaad ee sanadkan, waxaa billowday dadaallo uu Mareykanku ku doonayo in uu heshiisyo difaac iyo dibulumaasiyadeed kula yeesho Somaliland.