Wasiiradda wasaaradda deegaanka, keymaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada ee dalka ,Soipan Tuya ayaa sheegtay in Kenya ay diyaar u tahay inay martigeliso shir madaxeedka cimilada ee Afrika oo markii ugu horreysayn la qabanayo.
Shirkan ayuu qorshuhu yahay in la qabto inta u dhexeyso 4-ta ilaa 6-da bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Waxaa uu shir madaxeedkan ka dhici doona xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
kalfadhigii 36-aad ee ururka Midowga Afrika ayaa lagu ansixiyay codsiga Kenya ee ahaa inay martigeliso sanadkan shir madaxeedka cimilada Afrika.
Waxaa ay sheegtay in shirkan lagu casuumay wufuud gaareyso 13,000 oo ka kala imaanaya 136 dal, 13 madaxweyne oo Afrikaan ah iyo wakiilo ka socda ururrada caalamiga ah, bulshada rayidka ah, dhallinyarada iyo shirkadaha sida gaarka loo leeyahay.
Home Wararka Kenya Soipan Tuya: Nairobi waxay diyaar u tahay martigelinta shirweynaha cimilada Afrika