Socdaal 5 maalmood ah oo berri madaxweynaha uga billaabanaya bartamaha Kenya

0
302

Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka William Ruto uu berri ismaamullada gobolka bartamaha ka billaabo socdaal qaadan doono shan cishe.
Waxaa uu hoggaamiyaha wadanka ku horumari doonaa
Githurai iyo Kenol oo ka kala tirsan dowlad deegaannada Kiambu iyo Murang’a.
Madaxweynaha ayaa ismaamulka Kirinyagada ka daahfuri doono mashruuc dhanka biyaha ah.
Waxaa uu magaalada Karatina ee ismaamulka Nyeri xariga uga jari doonaa waddada Marua-State Lodge Road si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo kala gudbinta badeecooyinka.
Maalinka Axadda waxaa uu munaasabad duco ah ku qaban doonaa xarunta madaxtooyada yar ee Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri.
Isniinta ayaa lagu wadaa in madaxweynaha uu deegaan baarlamaneedka Mukurweini uu xarigga uga jaro mashruuc waddo waxaana ku xigi doono mashaariic biyo oo uu ka hirgelinaya deegaannada Tetu iyo Othaya.
Gudaha magaalada Nyeri waxaa uu madaxweynaha dalka ka furi doonaa baabuurta laga raaco.
Talaadada waxaa uu daahfuri doonaa warshadda caanaha ee KCC ee magaalada Kiganjo ka hor inta uunan madaxda gobolka bartamaha dalka uunan kulan la qaadan.
Waxaa la filayaa in kulankaasi diiradda lagu saaro qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha beeraha, kaabayaasha horumarineed, caafimaadka , waxbarashada iyo kuwo kale.
Safarka madaxweynaha ee bartamaha dalka ayaa soo gabagaboobi doono Arbacada oo uu furi doono isbitaal ka kooban ilaa saddex dabaq oo loogu talagalay 175 sariiro ah.