Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee xisbiga Wiper ayaa sheegaya inay qasab tahay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ama dhigiisa Kenya Kwanza William Ruto uu taageero ka helo Kalonzo Musyoka si ay ugu suurtagasho qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Madaxdan oo uu hor kacaya xildhibaanka deegaanka Matungulu ee ismaamulka Machakos Stephen Mule, ayaa hoosta ka xarriiqay in si aynan Kenya uga dhicin doorasho ku celis ah loo baahan yahay in Raila ama Ruto midkood uu garabsado Musyoka.
Mr.Mule ayaa carrabka ku adkeeyay inaysan fududeyn helidda ugu yaraan boqolkiiba 51 ee codadka haddii madaxa Wiper uu u tartamo xilka madaxtinnimo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay siyaasiyiinta xisbiga Wiper dhawaan sheegeen inay dib ugu biiri karaan isbeheysiga Azimio haddii uu jiraya wada hadal qaabeysan.
Home Wararka Kenya Siyaasiyiinta Wiper oo sheegaya inuusan Kalonzo la’aantiisa guulaysan karin musharrax madaxweyne