Siyaasiyiinta xisbiga talada haya ee UDA oo uu hor kacayay xoghayaha guud ee xisbigan Cleophas Malala ayaa dhaliilay in madaxda isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya ay soo bandhigeen shuruudo hor leh oo ay doonayaan in la fuliyo ka hor inta uunan wax wada hadal ah dhex marin iyaga iyo dowladda dhexe.
Raila Odinga ayaa bayaan uu shalay soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay in qaabka lagu xallinaya tabashooyinka mucaaradka uu noqdo mid ka baxsan baarlamaanka.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee UDA Cleophas Malala ayaa arrintan ka falceliyay oo madaxa Azimio Raila Odinga ku eedeyay inuu wado qorsho uu ku carqaladeynaya wada xaajoodyada.
Malala ayaa xusay in tani ay muujinaysa in dibadbaxyadii mucaaradka ee ka dhanka ahaa dowladda aynan ahayn ku lagu saleeyay wax ka qabashada qiimaha sarreeya ee maciishadda balse lagu doonayay maamul qaybsi.
Hasa ahaate Odinga ayaa horay u sheegay inuunan doonayn inuu ku biiro maamulka dowladeed.