Isku duwaha dowladda dhexe ku matalo gobolka bariga wadanka Evans Achoki ayaa siyaasiyiinta ku boorriyay inay ololahooda u sameystaan si nabad ah iyadoo aan bulshada lagu kala qaybin.
Waxaa uu guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda ku amray inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed si gobolkaasi aynan dhibaatooyin ku saabsan doorashooyinka uga dhicin.
Arrintan ayuu Achoki ka hadlay xilli uu ismaamulka Kitui uga qayb galay kulan amni.




