Siyaasiyiinta ODM oo beeniyay in xisbiga UDA uu saameyn ku leeyahay Nyanza

0
183

Guddoomiyaha xisbiga ODM, John Mbadi iyo barasaabka ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa gaashaanka u daruuray in xisbiga UDA ee talada wadanka haya uu saameyn siyaasadeed ku yeelanaya gobolka Nyanza ee uu ka soo jeedo madaxa mucaaradka , Raila Odinga.
Mbadi iyo Wanga ayaa xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Nyatike hoosta ka xarriiqay in saameynta siyaasadeed ee UDA ee gobolkaasi ay tahay dacaayad ay faafinayaan shakhsiyaad taageersan isbeheysiga Kenya Kwanza.
Guddoomiyaha ayaa xusay in xisbul xaakinka uunan ku guulaysan doonin inuu meesha ka saaro taageerada baahsan ee ODM ay ku leedahay gobolka Nyanza.