Siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja -One Kenya ayaa wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ku dhaliilay inuu ka gaabiyay in dugsiyada sare la siiyo lacagaha ay dowladda u qoondeysay.
Mas’uuliyiintan oo uu hor kacaya madaxa garabka mucaaradka ee baarlamaanka Opiyo Wandayi, ayaa sheegay in wasiirka uu marar badan sameeyay ballan qaadyo aynan dowladdu oofin.
Xildhibaanka deegaanka Ugunja ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda laga doonaya inay xarumaha waxbarashada ku wareejiso 52.8 bilyan oo shilin.
Dhawaan ayay ahayd markii xoghayaha waaxda tacliinta aasaasiga Dr. Belio Kipsang uu sheegay in boqolkiiba 25 ee miisaaniyadda dugsiyada sare la bixin doono 10 cishe gudaheeda.