Qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ayaa soo jeediyay in tallaabo adag oo sharciyeed laga qaado shakhsiyaadka ku lugta leh fadeexadda bacriminta aynan tayadeedu gaarsiisnayn halkii la rabay ee laga iibiyay beeralayda.
Barasaabka ismaamulka Bungoma Ken Lusaka iyo Farouk Kibet oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha ayaa ku taliyay in cid kasta oo qaladkan sameysay gacanta lagu dhigo oo dacwad lagu soo oogo.




