Siyaasiyiinta Kenya Kwanza oo difaacay Hustler Fund

0
377

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga talada waddanka haya ee Kenya Kwanza ayaa difaacay sanduuqa amaahda ee dowladda ee Hustler Fund.
Waxay dacaayad ku tilmaameen warbixin uu Isniintii soo saaray guddiga arrimaha xuquuqul aadanaha ee KHRC oo ku baaqay in meesha laga saaro sanduuqan maadaama aan la haleelin ujeeddooyinkii loo billaabay oo ay ka mid ahayd in danyarta iyo ganacsatada yaryar ay ka helaan kabid dhaqaale.
Xildhibaanka deegaanka Mwala ee ismaamulka Machakos Vincent Musau ayaa sheegay in amaahdan ay ka faa’iideen kenyaan horay loogu gacan bidixeeyay dhanka dhaqaalaha.
Gacan-yaraha madaxweynaha Farouk Kibet ayaa dhankiisa sheegay in barnaamijyada awoodsiinta ee dowladda ay ka soo horjeedaan siyaasiyiin adeegsanaya qabyaalad.