Waxaa bannaanka hooygiisa oo ku yaalla magaalada Moscow laga qabtay Vladimir Kara-Murza oo ah siyaasi mucaarad oo madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ku dhaliilay duullaanka militari ee ay dowladiisa ku qaadday Ukraine.
Qareenka ninkan oo ka tirsan mucaaradka Vadim Prokhorov ayaa warbaahinta u sheegay in Kara-Murza uu caawa ku hooyan doono xabsiga.
Waxaa lagu eedeyay inuusan u hoggaansamin ama la xiriira kala dambeynta oo uu ka dalbaday sarkaal boolis ah.
Dembiga loo haysto ayay ciqaabtiisu tahay 15 cisho oo xabsi ah.
Ma jirto faahfaahin dheeraad oo laga hayo xariga Murza oo ah 40 sano jir marar badan dhaliilay howlgalka militari ee Ruushku uu ka wado gudaha Ukraine.
Waxaa uu aasaasay guddi ka soo horjeeda dagaalka oo ay xubno ka yihiin hoggaamiyaasha garabka mucaaradka ee dalkaasi.
Vladimir Kara-Murza oo suxufi hore ah ayay aad isugu dhawayeen hoggaamiye mucaaradka oo lagu magacaabo Boris Nemtsov oo la dilay sanadkii 2015-kii iyo maalqabeen hadda dhaliilaya maamulka madaxweyne Putin, Mikhail Khodorkovsky.
Waxaa uu horay ugu andacooday inuu labo mar ka badbaaday qorsho la doonayay in lagu sumeeyo oo uu ku eedeyay xoogga sirdoonka Ruushka.