Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka Opiyo Wandayi ayaa dalbaday inay xafiisyada banneeyaan wasiirrada beeraha iyo ganacsiga ee wadanka Mithika Linturi iyo Rebecca Miano.
Wandayi ayaa labada wasiir ku eedeyay in ay carqaladeynayaan horumarka dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu tani u aaneeyay in sida uu ku doodayo ay dhowr mar fasaxeen in wadanka la soo geliyo bacrimin faalis ah.
Sidoo kale waxaa uu dalbaday inay is casilaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa waaxda tayadhowrka dalka ee (KEBS) iyo bakhaarka qaran ee lagu keydiyo dalagga ee (NCPB) si baaritaano qoto dheer loo sameeyo.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay ismaamulka Kakamega ku qabteen 700 kiish oo ah bacrimin looga shakiyay inay faalis tahay halka shixnad kale oo ka kooban 560 kiish lagu qabtay ismaamulka Baringo.




