Waxaa dalka Singapore xukun daldalaad ah lagu fuliyay haweeney 45 sano jir ah oo lagu magacaabo Saridewi Binte Djamani .
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dembi ah inay ka ganacsanaysay gudbinta daroogada nooca xashiishka.
Sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii lagu helay 31 garaam oo Heroin ah.
Xukunkan ayaa ah midkii ugu horreeyay ee ku dhawaad muddo 20 sano ah taariikhda dalka Singapore haweeney lagu riday.
Waaxda wadankaasi u qaabilsan la dagaalanka maandooriyaha ayaa bayaan ku sheegtay in Djamani la mariyay habraacyada sharciyeed oo ay ka mid tahay inuu qareen u doodayay guud ahaan geeddisocodkan.
Waxaa xukunka lagu fuliyay ka soo horjeestay ururrada xuquuqul insaanka sida hay’adda caalamiga ee Amnesty International oo sheegtay in xukunkan oo liddi ku yahay xeerarka caalamiga wax baddana uunan hor istaag u noqon.
Bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii khuburrada qaramada midoobay ay walaac ka muujiyeen xukunnada daldalaadka ah ee ay maamullada dalka Singapore ku fuliyaan dadka gaysta falal dambiyeedyada la xiriira maandooriyaha.
Tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2022-kii , dowladda Singapore ayaa daldashay 15 qof oo ay ajaaniib ka mid yihiin.