Singapore oo labo sano ka dib xuduudeeda furtay

0
587

Dowladda Singapore ayaa si buuxda dadka wadankaasi u safraya ugu furtay xuduudaha labo sano oo ay xirnaayeen ka dib, cudurka COVID-19 awgii.
Waxaa dalkaasi gudaha u geli karo shakhsiyaadka laga tallaalay caabuqa corona.
Horay dadka ka tagay tiro waddamo ah ayaa u safri karay Singapore iyadoo aan la karantiilin.
Hasa ahaate laga billaabo maanta waxay dowladda dalkaasi qaabilaysa qof kasta oo sita shahaadada muujinaysa in laga baaray oo laga waayay cudur sidaha corona.