Sii hayaha xilka taliyaha guud ee booliiska oo baaq u diray gaadiidleyda

0
226

Gilbert Masengeli oo ah sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka ayaa wadeyaasha baabuurta iyo mootooyinka ku boorriyay in ay aad u taxadaraan si looga baaqsado dhacdooyinka shilalka.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in tan iyo bishii hore ay kordheen shilalka laga soo tabiyay gudaha dalka gaar ahaan waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Nairobi iyo Nakuru.
Masengeli ayaa wax laga qoomamoodo ku sheegay in dhacdooyinkan badankoodu loo aaneynaya qaladaad ay darawaliinta sameeyeen sida gaadiidka oo si xowli ah loo kaxeeyo, in darawalka uu shaqeeya isagoo khamri isticmaalay ama uu isku dayo inuu baabuur kale ka horumaro.
Waxaa uu darawaliinta kula taliyay in ay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka waaxda taraafikada.
Waxaa uu intaasi ku daray in adeegga qaran ee booliiska oo kaashanaya maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ay xoojin doonaan dadaallada ku aaddan dhaqangelinta xeerarka gaadiidka ee waddanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shil dhawaan ka dhacay deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru ay ku dhaawacmeen 47 ruux.
Waxaa ka sii horreysay in 13-kii bishan ay 5 xubnood oo isku qoys ahaa ay ku nafwaayeen shil laga soo tabiyay waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Nairobi iyo Nakuru.