Sifuna oo sheegay in 2027 aan dib loo soo dooran doonin Ruto

0
908

Senatarka ismaamulka Nairobi ahna xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in ay aad u hooseysa suurtagalnimada madaxweyne William Ruto dib loogu soo dooran karo sanadka 2027-da.
Waxaa uu xusay in tani aynan suurtageli doonin xita haddii uu Raila Odinga taageero Ruto.
Sifuna ayaa aragtidiisa u aaneeyay in maamulka Kenya Kwanza uu lumiyay kalsoonida shacabka.
Waxaa uu intaasi ku daray in ODM aynan taageeri doonin maamulka Ruto sida ay sheegeen qaar ka mid ah xubnaha xisbiga.