Sidee caalamka uga falceliyeen dilka hoggaamiyihii Xamas Yaxye Sinwar?

0
522

Xubin sare oo ka tirsan uruka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa xaqiijiyay in hoggaamiyahooda Yaxya Sinwar lagu dilay dagaal.
Hasa ahaate, uu sheegay in dhimashadiisu ay sii xoojin doonto ururkan.
Guutada al-Qassam ayaa sheegtay in kooxaha wax iska caabinta ay ogyihiin in qiimaha xorreynta uu yahay mid aad u sarreeya.
Waxay intaasi ku dareen in ay diyaar u yihiin in ay lumiyaan askartooda iyo hoggaamiyayaashooda inta uu socdo halganka.
Kooxda ayaa sheegtay inay diidan tahay in loo hoggaansamo cadowga halgankeeduna ma joogsan doono ilaa Falastiin laga xorreeyo.
Mas’uul sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in kooxdu ay sii wadi doonto waddadii ay ku gaari lahayd hamiga shacabka Falastiin, isagoo intaasi ku daray in dhimashada Sinwar ay sii xoojin doonto kooxda.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in dilka Sinwar ee Qaza uu sare u qaadayo rajada laga qabo xabbad joojin.
Ra’iisul wasaaraha waddanka Jarmalka Olaf Scholz ayaa dhankiisa sheegay in dhimashadii Sinwar uu rajaynayo in ay banayso waddo loo maro rajada dhabta ah ee xabbad joojinta Qaza iyo heshiis lagu sii daayo la haystayaasha Xamaas.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Seyed Cabbaas Araghchi ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ayuu ku sheegay in Sinwar uusan ka baqi jirin geeri islamarkana uu si geesinimo leh uu u dagaalamay.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dilka Sinwar uunan ka dhignayn in duullaanka Qaza la soo afjaray.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 42,500 qof ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza halka la dhaawacay 99,546 kale.