Siddeed boolis ah oo lagu dilay dalka Pakistan

0
122

Ugu yaraan siddeed boolis ah ayaa waxaa dilay dad looga shakisan yahay inay gooni u goosad yihiin oo weeraro saaka ka geystay magaalooyin badan oo ku yaal gobolka koonfur-galbeed ee Balochistan ee Pakistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Dhowr saldhig booliis oo ku yaal caasimadda gobolka Quetta ayaa waxaa bartilmaameedsaday rag hubeysan oo ka soo jeeda qowmiyadda Baloch.
Qaar ka mid ah ciidamada amniga ee Pakistan ayaa la sheegay in la afduubtay.
Adeegyada internetka iyo tareenada ayaa la joojiyay, iyadoo howlgal amni uu socdo.
Ciidanka Xoreynta Balochistan (BLA), oo ah kooxda ugu firfircoon ee gooni u goosadka gobolka, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada, sida ay ku warantay AFP.
Kooxdu waxay sheegatay inay bartilmaameedsatay xarumo milatari iyo saraakiisha booliiska iyo maamulka rayidka inta lagu jiray weerarrada qoryaha iyo qaraxyada ismiidaaminta ahaa.
Dowladda Pakistan weli kama aysan hadlin sheegashada BLA.