Waxaa dalka Spain laga soo sheegaya inuu ka jiro sicir bararkii ugu sarreeyay tan iyo bishii sagalaad ee sanadkii 1984.
Arrintan ayaa waxaa maanta shaaca ka qaaday machadka qaran ee tirooyinka ee Spain (INE).
Waxaa uu machadku sheegay in qiimaha waxyaabaha kala duwan uu bishan Toddobaad kordhay boqolkiiba 10.8 marka loo eego bishii hore oo uu ahaa boqolkiiba 10.2 .
Wasiirka dhaqaalaha ee Spain Nadia Calvino ayaa isbuucan laga soo xigtay in sicir bararka jira ay tahay caqabadda ugu wayn ee haysata dhaqaalaha dalkaasi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo sicir bararka ka jiro waddamada qaaradda Yurub ee adeegsanaya lacagta euro uu heer kale gaaray.