Sicir bararka dalka oo bishii hore kordhay boqolkiiba 2.8

0
213

Waaxda qaran ee qaabilsan kaydinta macluumaadka ee KNBS ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in bishii 11-aad ee sanadkan qiimaha sicir bararka uu kordhay boqolkiiba 2.8.
Tani ayaa loo aaneeyay koror ku yimid qiimaha cuntooyinka aasaasiga ah.
KNBS ayaa sheegtay in qiimaha sonkorta uu kordhay boqolkiiba 5.3, saliidda cuntada lagu karsado (boqolkiiba 3.1).
Warbixintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dowladda dhexe ay sheegaysa inay waddo dadaallo lagu wanaajinaya dhaqaalaha dalka.