Shollei oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka

0
315

Waxaa xalay xilka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka loo doortay wakiilka haweenka ee ismaamulka Uasin Gishu Gladys Boss Shollei .
Waxaa ay heshay codad gaaraya 198 halka Faarax Macallin oo la tartamay uu soo hooyay codad ah 139 wareegii koowaad ee codeynta.
Iyadoo lagu waday in wareegga labaad loo gudbo ayuu tanaasulay Faarax Macallin waxaa uuna u hambalyeeyay guddoomiye ku xigeenka cusub ee baarlamaanka.
Tani ayay micnaheedu tahay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu ku guulaystay xilalka guddoomiyaasha iyo ku xigeenadooda ee baarlamaanka iyo aqalka sare labaduba.